Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 06/06/2022 Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro qorsheysan. Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Akhriso:- Wasiirro arrimo dibeddeedka dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo gaaray Muqdisho 17/10/2018 Maamulada Hirshabelle iyo Koofurgalbeed oo soo buuxiyay xubnihii Guddiga Doorashada ee la bedelay 11/06/2021 Soomaaliya iyo Ruwanda oo heshiis cusub kala saxiixday 08/07/2022 Webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo in uu guro 28/01/2019 Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kusii jeeda Magaalada Baraawe 03/10/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/02/2021 Maxkamadeynta Rag loo heysto dilka Guddoomiyihii degmada Hodan oo dib u bilaabatay 08/05/2021 DAAWO VIDEO:-DEG DEG ANSAXINTA SHAQAALAHA RAYIDKA IYO WASAARADA SHAQADA DOWLADA KGS 06/02/2018 SAWIRO:Agaasimayasha guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradaha KG Oo Loosoo Xiray Kulan Wadda Tashi ah 27/11/2019 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 18/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.