
Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Madasha Afrika ee la dagaalanka Musuq-maasuqa, iyo Hay’adaha Isku-dhafka ah (FIGE), Xafiiska ladagaalanka musuqa ee EU iyo Xafiiska Kormeeraha Guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti .
Shirkan oo ka dhici doona Caasimadda Djibouti inta udhaxeysa 7–9 bisha Juun ayaa waxaa kasoo qeyb gali doona wufuud caalami ah oo ka kala socota Dalalka Ururka Hay’adaha isku-dhafka ah ee (FIGE), Madaxda Guddiyada La-dagaalanka Musuq-Maasuqa ee Bariga Afrika, Galbeedka iyo Bartamaha Afrika iyo Khubaro kale oo Caalami ah, waxaana daah furi doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Soomaaliya ayaa ah markii ugu horeysay oo ay xubin ka noqotay Ururka FIGE kana qeyb gasho shirweynahan, waxaana wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda ka qeyb galeysa shirkaas.