Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta written by Warsan Radio 06/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu la kulmay safiirka wadanka liibiya ee Soomaaliya Yuusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.Wasiir Beyle iyo labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo liibiya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalkeeda ku aadan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa, waxaana lagu guuleystay dalalka qaar oo ka cafiyay halka kuwo kale ay u harsan yihiin. Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab next post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday askar dil geysatay You may also like Madaxda Afrika oo waddo dadaalo ay ku dooneyso in lagu joojiyo dagaalka Itoobiya 17/11/2020 DHAGEYSO:-FADIILATU SHEIKH XASAN GAAB CASHARKA 20AAD TAFSIIRKA QURAANKA KARIIMKA AH JIMCO 07/12/2017 Dalka Hindiya waxaa si kordhaya dadka u dhimantay Covid-19 28/04/2021 Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Maanta dhaceysa 07/02/2022 DHAGEYSO WARSAN IYO WADANINEWS24 SOO BANDHIGEY SABABAHA KEENEY ABAARAHA 28/01/2017 DHAGEYSO:Warka habeen 21 11 2016 21/11/2016 Qaramada Midoobey oo sagootisay 600 askari oo ahaa ilaalada xafiisyada UNka ee Soomaaliya 01/09/2020 Masar oo Golaha Ammaanka QM ka codsatay inuu soo farageliyo muranka Wabiga Nile 20/06/2020 Shirkadda Etihad Airways oo hakisay duulimaadyadii Israel 18/05/2021 Wasaaraddo Ku Burburay Dagaalladii Dalka Soo Maray Oo La Dhagax Dhigay 02/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.