
Ciidamada oo ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa Gaadiid ay wateen waxaa qarax lagula beegsaday wadada u dhaxeeysa degmada Balcad iyo Magpaalada Jowhar una dhow tuulada Gololeey ee degmada Balcad, waxaana goobjoogayaal sheegeen in qaraxa oo ahaa miino uu qabsaday mid kamid ah Gaadiidka ay wateen Ciidamada DANAB.
Al-Shabaab oo sheegtay masβuuliyadda qaraxa ayaa warar ay ku qoreen Baraha ay kuleeyihiin Internet-ka ku sheegtay inay qaraxa ku dileen ilaa 15 Askari oo katirsan Ciidanka DANAB walow aysan jirin dad madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB iyo Maamulka degmada Balcad ayaan weli ka hadlin qaraxaas, hayeeshee waxaa uu kusoo beegmayaa xilli Ciidamadii dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee Saldhigga kulahaa Haansheekh ay dhawaan ka guureen.