
Waxaa maanta la filayaa in in Ra’iisal wasaaraha dhawaan la magacaabay ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre la horgeeyo Golaha Shacabka ee baarlamanaka federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa hadda soo xaadiray xarunta golaha shacabka, waxaana qaarkood ay sheegeen in ay si buuxda u ansixin doonaan.
Xildhibaanada soo xaadiray xarunta golaha ayaa sheegay in aan la joogin xilli la diidi karo Ra’iisulwasaare maadaama dhibaatooyin badan ay dalka ka jiraan oo loo baahan yahay in sidoo kale xukuumadda deg deg loo soo dhiso.
Haddii la ansixiyo waxaa Ra’iisal wasare Xamse horyaalla in uu xukuumad soo dhiso.