Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Soomaali u Shaqeeyneysay Sirdoonka Kenya written by Warsan Radio 01/08/2022 Kadib weerar ka dhacay degaanka Girileey oo hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu dilay Nin iyo Walaashiis, kuwaas oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka degaanka.Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa ku sheegay warar ay ku daabaceen Baraha ay kuleeyihiin Internet-ka inay dileen Cabdisalaan Cusmaan Buraash iyo Aamino Cusmaan Buraash oo ay ku eedeeyeen inay u Shaqeeynayeen Sirdoonka Kenya.laamaha Amniga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaan well ka hadlin dilka labada Ruux, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli Maalin ka hor Al-Shabaab ay faaaro ku yaalla degaanka Buula fuulaay ee Gobolka Baay ku toogteen 7 Ruux oo ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Mareykanka.Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro gaadmo ah iyo goob fagaaro ah kudilay rag iyo dumar ay ku eedeeyeen inay la Shaqeeynayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo dowladaha taageerada siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen Soomaali u Shaqeeyneysay Sirdoonka Kenya was last modified: August 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Baarlamaanka Ciraaq oo maalintii labaad gacanta ugu jira mudaharaadayaasha next post Dhageyso:-Warka Duhur ee RAdio Warsan You may also like Dowlada Jarmalka Oo Magdhaw Siinayasa Ehelada Ciyaartooy 50 Sano Ka Hor La Dilay 03/09/2022 DAAWO Muqaalka Kulan Tageerayey Xildhibaanad Sareedo Ayaa Maanta Kadhacay Degmada Xudur 17/08/2016 Ciidanka DANAB oo howlgal qorsheysan fuliyay 25/05/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/02/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 20/01/2021 Ra’iisalwasaare Britain aabihii oo codsaday dhalashada waddan kale 01/01/2021 Wasiirka Maaliyadda XFS & Wakiilka dalalka geeska Afrika ee Hay’adda IFC oo ka wada hadlay horumarinta maaliyadda Dalka. 04/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 05/02/2019 Dhageyso:-Barnaamijka Bidhaamiye Qeybta 10 aad 11/08/2020 Soomaaliya ayaa Maanta la soo gaarsiiyay Deeq Daawo ah 10/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.