Baydhabo-{WMN}- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa si adag u cambaareeyay weerarradii Al-shabaab ee magaalada Bedelweyne, kuwaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 22 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacan tahay
Afhayeenka Xoghayaha Guudd Stethane Dujarric ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed
Waxa uu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay la shaqeyso hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee caalamiga ah si ay u taageeraan dadka iyo dowladda Soomaaliya ee uu jiheystay dhismaha dal nabad ah
Saddex qarax oo ka dhacday Beledweyne waxaa loo adeegsaday saddex baabuur kala duwan, waxaana fuliyey shaqsiyaad is-miidaamiyey
Dadka ku dhintay qaraxyadan waxaa ka mid ah wasiirkii caafimaadka HirShabelle Zakariye Hurre iyo guddoomiye ku xigeenkii gobolka Hiiraan Abuukar Sheekh Maadey