Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari written by Warsan Radio 25/10/2022 Dowlad Goboleedka Puntland ayaa heegan buuxa geliyay Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas gaar ahaan kuwa daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, kuwaas oo dhawan la filayo in dhulka Buuraleyda ah ay ka bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac oo maal mahaan safar shaqo ku joogay Buuraleyda Silsiladda Golis ee fariisamaha Ciidanka Daraawiishta Gobalka Bari ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Taliyaha ayaa dhamaan fariisamaha Ciidanka ku maray kormeer Xeryaha kala ah Af-urur , Yalho , Kalabayr , jinbac , sugure 1 & 2 , bali-khadar , Bayska galgala iyo kuwa ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaladda dhabta ah ee ciidanka , isaga oo ugu baaqay inay heegan u alaan howlgallada laga fulinayo Gobolka Bari.Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa warbixinada Ciidanka uga dhagaystay Saraakiisha , isaga oo ciidanka u balan qaaday in ay kor usii qaadi doonaan xaq iyo xuquuqdooda ay ku leeeyihiin Maamulka. Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari was last modified: October 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dadka ku dhintay dagaal Beeleedyada ka socda dalka Suudaan oo kordhay next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo agab caafimaad keenay Muqdisho (SAWIRRO) 18/06/2020 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 06/08/2022 Dowladda UK oo soo saartay qoraal ku aaddan xaaladda Soomaaliya 29/04/2021 RW Rooble oo shaaciyay in la xirayo waddooyinka Muqdisho baaqna soo saaray 08/06/2022 Manchester City Oo Old Trafford ku Dhex Jiid-jiidday Manchester United, Kaalinta 2aadna Kala Baxday Liverpool 06/11/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 06/06/2023 Barnaamijka Kulanka Warsan 24/11/2021 SAWIRO:- Doorashada Guddoonka Aqalka Sare oo ka dhaceysa Afisiyooni & kormeer lagu sameeyay 25/04/2022 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb 01/10/2021 Saciid Deni Oo Maanta Qaatay Shahaadada Musharaxnimo Ee Xilka Madaxweynaha Dalka 10/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.