
Waaxda Tayo-dhowrka iyo Halbeegyada ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee KGS ayaa qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan Saabka Qiimeynta Qaran (National Learning Assessment Framework), kaas oo lagu qabtey Magaalada baydhabo.
Kulankan waxaa ka soo qeyb galay Agaasimayaasha waaxyaha ee wasaaradda, maamulyasha dugsiyada, Jamacaddaha, La-taliyeyaasha wasaradda, iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arimaha waxbarashada.
Sidoo kale Kulanka waxaa qeyb ka ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada KGS Mudane Xasan Maxamed cabdikariim iyo Agaasimaha guud ee wasaradda Fadal Macalin cabdullaahi iyo Agaasimaha waxda- Tayodhowrka iyo halbegyada Sayidali Jelle Ibrahim.
Shirkan oo uu furay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada KGS Mudane Xasan Maxamed cabdikariim ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada iyadoo la dhisayo hannaan qaran oo lagu qiimeeyo waxqabadka ardayda.
Waa markii ugu horreysay ee Soomaaliya yeelato Saabka Qiimeeynta Qaran oo si gaar ah loogu talagalay dugsiyada hoose, si loo ogaado heerka aqoonta ardayda, Tayada iyo Fahamkooda manhajka Waxbarashada Qaranka.