
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo ay saacadihii la soo dhaafay Kumaandooska Danab oo kaashaneysa kuwa Jubbaland ka wadeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, iyagoo ciidamada gaareen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
Intii ay socdeen howlgaladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, iyadoo lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan AS, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay wateen xubnaha AS.
Maalmihii la soo dhaafay Militeriga Soomaaliya ayaa howlgallo ka wada deegaanno ka tirsan Maamulka Jubbaland.
