
Bulshada Soomaaliya ayaa sanadkaan korortay iyada oo kor u dhaaftay halkii sanado kahor ay joogtay marka la eego barta lagu kaydiyo Bulshooyinka kala duwan caalamka tirada lagu sheegayo iyo sida ay kordhaan.
3.31% ayay Soomaalidu kordheen sanadkaan 2026 waxaana ay soo galeen Booska 3aad ee dalalka kororka sameeyay sida hadalka loo dhigay, xisaabtaan waxa ay ku timid in Soomaaliya ay Dadkeedu noqdeen 20.3 Milyan oo horay tiradaan uga yaraayeen.
Soomaaliya waxa ay qiimayntaan ka sare martay Dalal kala duwan oo dhaqaale iyo Siyaasad ahaan horay uga hormaray, waxa ay haatan fadhigaas guud ahaan caalamka dalalka ugu Dadka badan Booska 66aad.
Dhanka kale, Dalka Hindiya ayaa ugu bulsho batay waxaana dadkiisa uu gaaray 1,476 Bilyan, waxa uu ka sare maray Waddanka Booska labaad u dhacay ee Shiinaha oo isna dadkiisu gaarayo 1,412 sida Warbixinta lagu muujiyay.
