Sahra Omar, sharci-yaqaanad, ayaa ka hadashay xaaladda cadaaladda ee haweenka Soomaaliyeed, iyadoo sanadkan Maalinta Haweenka Adduunka diiradda lagu saarayo Xuquuq, Caddaalad, iyo Tallaabo dhab ah oo loo qaado si dhammaan haweenka iyo gabdhaha ay u helaan cadaalad. Sahra Omar, a lawyer, addressed the state of justice for Somali women, emphasizing that this year’s International Women’s Day highlights Rights, Justice, and Concrete Action to ensure that all women and girls have access to justice.. #IWD2026 #JusticeForWomen #Somalia #RightsJustice.
2026
DEEQA KHASIM HAWEENKA SOOMAALIYEED HA ISTAAGEERAAN OO XIRFADO HA BARTAAN MAALINTA HAWEENKA ADDUUNKA.
Deeqa Khasim, oo ganacsato ah, ayaa ku boorrinaysa haweenka Soomaaliyeed inay istaageeraan oo xirfado bartaan, munaasabadda Maalinta Haweenka Adduunka. Deka Kasim,an inspired businesswoman, is urging Somali women to empower themselves and develop professional skills on the occasion of International Women’s Day. #iwd2026 #justiceforwomen #somalia #rightsjusticeaction #WomenEmpowerment
Maxaa ka jira in Dalalka xubnaha ka ah EAC in ay bixinayaan Mushaarka Xildhibaannada Dalladaas?

Madaxweynaha Dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa la hordhigay qorshe la xiriira in Dowladahooda ay bixiyaan mushaarka Xildhibaannada Baarlamaanka Ururkaas si loo daboolo culayska dhankaas uga imaanaya.
Guddoomiyaha Xilka wareejiyay ahna Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in qorshaha uu yahay bixinta mushaarka Xildhibaannada muddo xileedka Cusub si looga hortago caqabadaha dhinaca dhaqaalaha ah ee imaan kara.
Soomaaliya oo 9 xubnood ku leh Baarlamaanka Dalladda Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo dhowaan ansixisay Maxkamadda Dalladdaas ugu xilsaaran hubinta Xildhibaannada ay soo dirsadaan Dowladaha ku jira ururkaas.
Dalalka ku midaysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa go’aan ku gaaray in ay xoogga saaraan fududaynta isu gudubka Ganacsiga, dhiirragelinta Dadka hantida leh ee dalalkaas u dhashay iyo in la sal adkeeyo qodobada muhiimka u ah sii jiritaankiisa.
Guddoomiyaha cusub ee xilka Dalladda Bulshada Bariga Afrika ahna Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa lagu wadaa in uu dardargeliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Dalladdaas waxaana kamid ah ajandaha miiska saaran.
MW Imaaraatka oo booqday qaar kamid ah Dadka ku dhaawacmay duqaymaha Iiraan ay ka fulisay Dalkiisa

Madaxweynaha Isutagga Imaaraatka Carabta, Maxamed Bin Zaayid Al Nahyaan ayaa booqday qaar kamid ah Goobaha Caafimaadka ee Abu dhabi halkaas oo lagu daweynayo bukaanno ku dhaawacmay duqaymaha iyo qaraxyada lagu xiray Drones-ka ee Iiraan beegsatay Dalkaas.
Maxamed Bin Zaayid Al Nahyaan ayaa sheegay in Dowladda Imaaraatka ay jawaab ka bixin doonto ‘Daandaansiga iyo xadgudubka Iiraan ay ku daadisay dhiigga Dadkaas’ waa sida uu yiri isaga oo caafimaad u rajeeyay bukaannada dhaawacyada kala duwan soo gaaray.
“Imaaraatku waxa uu leeyahay Adkaysi weyn oo xooggan, ma nihin Dad si fudud loo ugaarsan karo, Ammaanka Muwaadiniinteenna waa waajib wayn oo na saaran, waxaana qaadi doonnaa tallaabooyin lagu xaqiijinayo nabadgalyada” Ayuu yiri MW Imaaraatka MBZ.
Dowladda Iiraan ayaa isku khilaaftay joojinta duqaymaha ka dhanka ah Dalal Carbeed oo Imaaraatka safka hore uga jiro, Tehran ayaa ku tilmaamay Abu Dhabi in ay martigelisay Cadawgeeda waa Maraykanka & Israa’iil isla markaana kasoo dhex duullayaan.
WASAARADDA QOYSKA OO SOO BANDHIGTAY LAMBAR GAABAN OO LOOGU TALAGALAY HAWEENKA IYO CARRUURTA .
Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo Soo Bandhigtay Lambar Gaaban oo Loogu Talagalay Haweenka iyo Carruurta La Kulma Tacaddiyada. The Ministry of Family and Human Rights of Somalia has launched a short hotline
MAXAY TAHAY FAA’IIDADA CAAFIMAAD EE KALA DHEERAYNTA UURKA? DR. MAXAMED MUSE AYAA SHARAXAYA
Maxay tahay Muhiimadda Caafimaad ee Kala Korinta Carruurta u Leedahay Hooyada iyo Dhallaanka? Dr. Maxamed Muuse, Dhaqtarka Haweenka, Ayaa Sharaxaya. Why is child spacing important for the health of both mothers and infants? Dr. Mohamed Muse, a gynecologist, explains the key health benefits and why proper birth spacing matters for stronger families and healthier communities.
QAADASHADA BAASABOORKA BARIKA AFRIKA MA UFURI DOONTA GANACSATADA ALBAAB CUSUB OO GANACSI ?
Ku biirista Bulshada Bariga Afrika ma furi doontaa albaab cusub oo isku xiraya shacabka Soomaaliyeed iyo suuqyada Bariga Afrika ? Will Somalia’s accession to the East African Community create new opportunities to enhance economic integration and strengthen ties between the Somali people and regional markets in East Africa?

Qiimaha Shidaalka magaalada Muqdisho ayaa kordhay 84% boqolkiiba muddo ka yar toddobaad oo uu socdo dagaalka Iiraan oo dhinac ah iyo Mareykanka & Israa’iil.
Waxaa soo baxaya baaqyo loo dirayo Dowladda iyo Ganacsatada, si looga hortago in dhibaatada ay saameyso dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed.
Sida ay noo xaqiijiyeen dadka shacabka ah iyo ganacsatada iibisa Shidaalka, laga soo billaabo 28 bishii hore Febraayo shidaalka saacad kasta waxaa ku kordhaya qiimo cusub.
Tusaale, 28 bishii Febraayo shidaalka wuxuu ahaa $0.65 halka uu maanta maraya $1.2.
Marka la isbarbardhigo qiimihii hore iyo kan maanta, waxaa muuqata in shidaalku uu kordhay qiyaastii 84% muddo aad u kooban gudaheed.
Sare u kacan degdegga ah ayaa saameynaya adeegyada bulshada sida gaadiidka dadweynaha, maadaama darawalada mootooyinka iyo basaska ay ku khasbaadeen inay kordhiyaan qiimaha si ay u daboolaan kharashka shidaalka ee qaaliga noqday.
Sidoo kale, saameyntu kuma koobna kaliya gaadiidka, balse waxay gaari kartaa heer sicir barar saameyaa nolosha bulshada Soomaaliyeed.
Dhaqaaleyahannada ayaa tilmaamaya in lagama maarmaan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo farogaliso arrinkaan, isla markaasna ay si dhow ula socoto sicirka suuqa si looga hortago in ganacsatadu ay si sharci darro ah u kordhiyaan qiimaha.
Sidoo kale, ganacsatada waaweyn ee shidaalka soo dejiya ayaa loogu baaqay in ay muujiyaan mas’uuliyad iyo u naxariisashada shacabka, iyagoo isku dayaya ka dhigaan qiimaha mid macquul ah oo saameyn nolosha dadka danta yarta ah.
Markasta oo dunida isbadal ama dagaal ka dhaco, waxaa jira nidaam gaar ah oo u degsan ganacsiyada, kaasi oo ku saleysan in markasta laga fakiro danaha bulshada lagana fogaado sicir barar.










