Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo written by Warsan Radio 31/05/2022 Waxaa Maanta Magaalada Baydhabo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho uga baxay safarkiisii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan.Wafdiga Madaxweynaha oo ay qeyb ka ahaayeen Xubno katirsan labada Golle ee dowladda, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen) Xubno katirsan labada Golle ee dowladda & Maamulka Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud ee Madaxyooyada Soomaaliya & qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Baydhabo.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xafiga ka jaraya dib u dhis lagu sameeyay qeyb kamid ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed.Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo kala gooni gooni la yeelan doona Madaxda Sare ee Koonfur Galbeed Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo Odayaasha Dhaqanka.Safarka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa qeyb ka ah safaro uu ku tagayo dowlad Goboleedyada kajira dalka, waxaana safarkaan midka xiga uu noqon doonaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Magaalada Baydhabo was last modified: May 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddoomiye Jeyte oo ka hadlay dilalkii ka dhacay Beledweyne farriin hanjabaad ahna diray next post Maxkamad xukun ku ridday musharaxii hore ee Madaxweynaha Masar You may also like Shirka Agaasimayaasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DF iyo DG oo ka furmay Muqdisho 20/12/2020 Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo 06/02/2022 Dab qabsaday Xerada Qaxootiga ee Giriiga 09/09/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 20/09/2020 DHAGEYSO: Warka Duhur Idaacada Warsan 07/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka arimaha Bulshada Gaar ahaan Caafimaadka. 25/07/2021 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Hey’adda Caafimaadka Adduunka 13/01/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 09/09/2023 Dhageyso:-Malaaq Cali Boor oo Ka Mid ah Odoyaasha KGS Muqtaar Rooboow uu yahay Shaqsi aan danbi lahayn 13/08/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 23/05/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.