Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho written by Warsan Radio 06/06/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya, sida Ciidamada qeybta Galbeed, kuwa Jagboontiyada Guurguura & Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa xalay howlgallo kala duwan ka sameeyay Xaafado katirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.Ciidamada ayaa howlgalka ku baarayay Guryaha qaar ee degmada Wadajir, waxaana Saraakiisha Ciidamada qeybta Galbeed ee Booliska & Maamulka degmada Wadajir ay ujeedka howlgalka ku sheegeen mid lagu xaqiijinayay Ammaanka loogana hortagayay dadka falalka Amni darro geysta, Ciyaal weerada & dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriya.Howlgalka intii uu socday ayaa dadkii lagu qabqabtay waxaa goob fagaaro ah kula hadlay Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka, iyaga oo ka codsaday in Ciidamada lagala Shaqeeyo sugida Amniga Caasimadda.Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa waxkasta oo liddi ku ah Amniga, isaga oo sheegay in Bulshada looga baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan sugida Amniga waaxyaha ay ka kooban tahay degmada.Taliye kuxigeenka qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi Mahadalle ayaa dhankiisa sheegay in howlgalladaan ay noqon doonaan kuwo si ioogta ah looga sameeyo Magaalada Muqdisho si looga hortago waxkasta oo keeni kara Amni darro ee ka dhaca Magaalada.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Booliska Soomaaliya waxaa qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka sameeynayeen howlgallo kala duwan kadib markii ay dib u soo laabteen Ciyaal weerada iyo Burcadda dhaca u geysanaya Shacabka. Howlgal dad farabadan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Muqdisho was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Burco You may also like Akhriso:-Boqor tooyada Sacudiga oo tacsi u diray qoyska Jamal Khashuggi 22/10/2018 Dhageyso: Dooda Barakacaaysha iyo Xaaladooda. 05/06/2020 Madaxweyne farmaajo oo dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho 16/06/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 02/02/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 07/06/2021 Itoobiya oo sheegtay inay dishay 85 ka tirsan Al-Shabaab 27/07/2022 DFS oo dowladda Suudaan kala hadashay joojinta lacag lagu soo rogay Ardayda 05/02/2023 Agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya Dr. Fuursade oo shaqada ka tagay 14/08/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/05/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 19/06/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.