Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 06/06/2022 Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro qorsheysan. Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh & Madaxweynaha dooran ee dalka Kenya? 16/08/2022 Ciidamada Somaliland Oo Shabakad Hubeysan Ku Qabtay Magaalada Laascaanood 26/11/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 05/04/2021 Dowladda oo xirtay Jeneraal Sheegow iyo Ciidamo farabadan uu watay 19/08/2023 Dhageyso:-Qeybta 8 aad ee Barnaamijka Beeraha 09/11/2020 Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Guddigii uu Magacaabay 10/08/2022 Akhriso:-Shirka Golaha Wasiirrada Oo Lagu Ansixiyay Siyaasadda Dalxiiska Soomaaliya 26/12/2019 Dad ka barakacay fatahaad uu sameeyay webiga Jubba 29/04/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 15/10/2020 RW Rooble: “Baaritaan Deg-deg ayaa lagu sameynayaa falkii ka dhacay Garoonka Aadan cadde” 22/04/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.