Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta written by Warsan Radio 06/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta waxaa uu la kulmay safiirka wadanka liibiya ee Soomaaliya Yuusuf Katim Al Kaylaani iyo Cali Madkuur Maxamed ahna u qaabilsanaha dhinaca Maaliyadda Safaarada Libya.Wasiir Beyle iyo labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha iyo Deyn cafinta oo Libya ka mid tahay wadamada Carabta ee deynta kuleh Soomaaliya.Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay isla soo hadal qaadeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo liibiya iyo sidii iskaashi looga yeelan lahaa arrimaha Gobolka .Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ah ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa uga mahad celiyay labada mas’uul kulankooda, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay xoojin doonto wadashaqeynta ay la leedahay dalalka Afrika.Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya aya dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay waday dadaalkeeda ku aadan sidii Soomaaliya deynta looga cafin lahaa, waxaana lagu guuleystay dalalka qaar oo ka cafiyay halka kuwo kale ay u harsan yihiin. Wasiir Beyle oo mas’uuliyiin katirsan dowladda libya kala hadlay Arrimaha deyn cafinta was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Askar Kenyan ah oo lagu weeraray Duleedka Gaarisa & Kenya oo ku eedeysay Al-Shabaab next post Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo Xukun ku riday askar dil geysatay You may also like Dalalka ka qayb galay koobka adduunka oo loo qaybinayo $440 milyan, haddaba dal waliba intee ka helayaa? 19/12/2022 Qaramada Midoobay oo ka digtay xaaladda cuni yari ee ka jirta Xudur 18/01/2021 Dowlada oo markii ugu horeysay ka hadashay dagaal beeleed ka socda Beledweyne 22/05/2021 Rooble Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Iyo Xaalad Cakiran Oo Ka Taagan Afisyooni 27/04/2022 Ruushka oo noqday dalkii ugu horeeyey ee soosaara dawada xanuunka COVID-19 11/08/2020 Madaxweyne Cali Guudlaawe ” looma kala hari doono ka xureynta Al-Shabaab Degaanada Hir-Shabeelle” 17/08/2022 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 09/05/2022 Maamulka Jubbaland oo caddeeyay mowqifkooda ku aadan xukuumadda cusub 05/08/2022 Madaxweyne Farmaajo oo kulan isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo xaalad dagaal uu dalka geli doono 19/10/2017 Kenya xayiraad kusoo rogtay dhaqdhaqaaqa xeryaha Qaxootiga 05/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.