Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan written by Warsan Radio 07/06/2022 Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Jaangooyada sicirka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022.Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa wadarta guud ee sicirka adeega Xajka ee sanadkan looga dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), waxaana qiimaha horay uu u haa $3800, iyada oo sanadkan lagu kordhiyay $1430. iyada oo la faray shirkadaha in adeegayada xujeyda Soomaaliyeed ay sare u qaadaan tayada adeegooda.Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443/2022.Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.Markuu Tixgeliyay tala soojeedinta mas’uuliyiinta shirkadaha sanadkan adeegaya Xujeyda Soomaaliyeed.Markuu latashi la sameeyay mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda ayaa la jaangooyay sicirka Qiimaha xajka ee Sannadkan oo ku baxaya (Caafimaadka, Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada kale).Soomaaliya waxaa sanadkan ka baxaysa xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka kajira ay cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas. Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan was last modified: June 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada warsan next post SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay You may also like Video:-Golaha Wasiirada oo kulankoodii caadiga ahaa uga hadlay qodobo dhowr ah 26/10/2017 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/06/2022 Faah faahin: Dagaal Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Kismaayo 13/08/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/01/2020 Guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare oo 3-qodob ka soo saaray shirka Dhuusamareeb 15/08/2020 Sacuudi Carabiya oo joojiyay Xujeydii ka imaan jiray dibadda, si ay sanadkan u xajiyaan 23/06/2020 Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka oo sheegay inaysan jirin wax cabasho ah oo ku aadan doorashadii la qabtay 06/08/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 16/02/2023 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Wrasan 28/12/2022 DHAGEYSO:-WARKA FIIDNIMO EE IDAACADA WARSAN 04/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.