
Ujeedka howlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay ay ku sheegeen in uu ahaa sidii dhulka Buuraleyda ah looga saari lahaa Ururka Al-Shabaab oo aad ugu xoogan, isla markaana mararka qaar ay weerar kasoo qaadaan.
Taliyaha Aaga silsilada Golis ee Ciidanka Difaaca Puntland G/Sare Siciid Nuur Shire, ayaa sheegay inay Ciidamada howlgalka kula wareegeen dhamaan fariisimihii Al-Shabaab ee Buuraleyda Goolis kadib markii ay isgaa tageen Al-Shabaab.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada difaaca Puntland ay howlgalka ku qabteen Raashinka noocyadiisa kala duwan iyo dawooyin ay isticmaalayeen Ururka Al-Shabaab, isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.
Maamulka Puntland ayaa dagaal adag kula jira Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo mararka qaar weeraro toos ah iyo qaraxyo ka fuliya degaano katirsan Gobolada Puntland.
