Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish written by Warsan Radio 26/07/2022 Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada kala duwan ee difaaca Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka BariCiidamada oo isugu jira kuwa Daraawiishta iyo kuwa PSF & PMPF ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada buuraleyda ee Golis iyo Cal-miskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay aad ugu xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay howlgalka ku bur buriyeen saldhigyo ciidan oo ay isaga tageen Al-Shabaab , isla markaana keyd badan u yaallay, wallow aysan sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalkaas.Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas, iyada oo Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ay dhowr jeer howlgallo ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.Maamulka Puntland ayaa dagaal xoogan kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo baxay dhulka Buuraleyda ah ay weeraro ka fuliyeen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaya Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta next post Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Dhalinyarada 03/01/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/01/2023 QM oo howlgalka AMISOM kala hadashay dalalka Uganda & Burundi 13/03/2022 Dhageystayaasha Warbaahinta Warsan oo soo dhaweyey Warsan Tv . 24/12/2019 Maamulka Gobolka Banaadir Oo Bulshada U Diray Farriin Ku Aaddan Bilicda Caasimadda Iyo Amniga 19/12/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha qeybta 07/05/2021 Maxaa looga hadlayaa Kulanka Maanta ee Xildhibaannada Golaha Shacabka? 15/01/2024 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 03/07/2022 Akhriso:-Wasaaradda Diinta iyo Aw qaafta Somaliland oo ka hadashay Kiniisaddii dib looga furay Hargeysa 30/07/2017 Dhageyso:- Qeybtii labaad (2-aad) Barnaamijka Bidhaamiye. 16/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.