Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray written by Warsan Radio 31/07/2022 Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Faysal Sheikh Cali iyo Xubno la socda oo safar shaqo ku jooga Degmada Galdogob ayaa Shir dhinaca Amniga ah la qaatay Masuuliyiinta iyo Laamaha Amniga Gobolka Doollo.Shirkan looga hadlayey dhinacayada Amniga iyo wadashaqaynta ayaa waxaa qayb ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Maxamed Xasan Waloore, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada Galdogob iyo ku xigeenkiisa, dhinaca Gobolka Gudoomiyaha Gobolka Doollo Mubarak Axmed Maxamed, Taliyayaasha Dhinacyada amniga iyo Siyaasada Gobolka Doollo ee dowlad degaanka Soomaalida, waxaana inta uu socday Kulanka masuuliyiinta Gobolka Doollo Gudoomiyaha Gobolka Mudug ku wareejisay gaari horay looga dhacay Degmada Gaalkacyo.Shirkan oo saacado socday ayaa laga soo saaray War-murtiyeedka looga hadlay arrimo badan iyo heshiis dhanka amniga oo ay wada gaareen labada dbinac, kaas oo ah.In la xoojiyo wadashaqaynta dhinacyada Masuuliyiinta Gobolada Doollo iyo Mudug.is waydaarsiga xogaha dhinacyada amniga ee Laamaha Amniga Gobolka Mudug iyo Doollo.isu soo qabashada dadka ukala baxsada Gobolada Mudug iyo Doollo ee isugu jira Tuhunsanayaasha iyo Eedaysanayaasha si loo ilaaliyo Amniga BulshooyinkaJoojinta iyo la dagaalanka Maandooriyaha oo ay xaaran tinimaysah Diinta islaamka kaa oo ka soo gudba dhinaca Gobolka Doollo dhibaatana ku ah Xasiloonida iyo Nabada Bulshada Deegaanada.In dib-udayactir lagu sameeyo dhinacyada isgaarsiinta xuduudaha labada Gobol si ay ufududaato helida Xogaha Amni. Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen You may also like Guddiga qiimeeynta xaaladda Garbahaareey oo kulamo ka wada Kismaayo 04/03/2022 Aqriso: Liiska Xubnaha Xildhibaanada Golaha deegaanka degmada Diinsoor oo la shaaciyey. 06/01/2020 Maamulka SSC Khaatuma oo sheegay inay ka feejigan yihiin weerarada Al-Shabaab 27/04/2024 Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan 17/02/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/06/2021 Dhageyso: Maamulka xiriirka kubada cagta oo kahadlay horumarada isboortiska kg 11/04/2020 Dhageyso:-Warka Galabnimo ee Radio Warsan 04/05/2022 Akhriso:-Faah Faahin: Heshiiska Amni ee London ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Beesha Caalamka 14/05/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 24/12/2022 Itoobiya iyo Somaliand oo ka wada hadlay adkeynta Amniga xaduudaha 03/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.