Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari written by Warsan Radio 25/10/2022 Dowlad Goboleedka Puntland ayaa heegan buuxa geliyay Ciidamada kala duwan ee Maamulkaas gaar ahaan kuwa daraawiishta ee ku sugan Gobolka Bari, kuwaas oo dhawan la filayo in dhulka Buuraleyda ah ay ka bilaabaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac oo maal mahaan safar shaqo ku joogay Buuraleyda Silsiladda Golis ee fariisamaha Ciidanka Daraawiishta Gobalka Bari ayaa gaaray magaaladda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.Taliyaha ayaa dhamaan fariisamaha Ciidanka ku maray kormeer Xeryaha kala ah Af-urur , Yalho , Kalabayr , jinbac , sugure 1 & 2 , bali-khadar , Bayska galgala iyo kuwa ku sugan Gudaha Magaalada Boosaaso.Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa sheegay in kormeerkaan uu yahay mid uu ugu kuurgalayo xaladda dhabta ah ee ciidanka , isaga oo ugu baaqay inay heegan u alaan howlgallada laga fulinayo Gobolka Bari.Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Difaaca Puntland Sareeye Gaas Abshir Cabdi Jaamac ayaa warbixinada Ciidanka uga dhagaystay Saraakiisha , isaga oo ciidanka u balan qaaday in ay kor usii qaadi doonaan xaq iyo xuquuqdooda ay ku leeeyihiin Maamulka. Puntland oo heegan gelisay Ciidamadeeda ku sugan Gobolka Bari was last modified: October 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dadka ku dhintay dagaal Beeleedyada ka socda dalka Suudaan oo kordhay next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like Shirka golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho ka furmaya 11/06/2022 Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika 29/09/2021 Imaam Masjid oo Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho 05/04/2023 Madaxweyne Donad Trump Oo Mar Kale Wajahaya Mooshin Xilka Qaadis 11/01/2021 Madaxweynayaasha Galmudug & KGS oo la kulmay Xildhibaannada laga soo doortay degaannadooda 27/03/2022 Guddiga doorashada Koonfur Galbeed oo so gudbiyay Jadwalka doorashada Aqalka Sare 14/08/2021 Muwaadiniin Soomaali Ah Oo Xalay Dil Iyo Dhaawac Loogu Geystay Koonfur Afrika 05/01/2022 Dhageyso: Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Idaacda warsan 18/07/2023 Xilliga uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka oo la shaaciyey 25/05/2020 Kumaandooska Danab oo hawlgalo ka wada deegaanada Gobolka Mudug 10/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.