
Ilhaan bishii Ogoosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday.
Maanta goobaha cod-bixinta waxaa la furay 7-dii subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo ee Caawa.
Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran.
Mushaarka sannadlaha ah ee uu qaato qofka xubinta ka ah Aqalka Congress waa 174,000 oo doolar.
Dhanka xisbiga Jamhuuriga, Davis waxay ku soo guuleysatay inay xisbigeeda ku matasho doorashada guud ee Aqalka Congress-ka. Waxay la soo tartantay 3 murashax oo xisbigeeda ka tirsan.

 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						 
						