
Baydhabo-{WMN}- Waxaa si isdaba-joog ah magaalada muqdisho ay kulamo uga socdaan Wasiirada Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, kulamadaas oo wasiirada ay cdka kaslonida ku raadsanayaan.
Kulamada oo shalay soo billaawday ayaa ka dambeeyay kadib markii Raโiisul Wasaare Xame uu ku wargeliyay Wasiirada cusub in mid walba uu codka kasloonida ka raadsado Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka.
Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Magacaaban ayaa soo badnhigay kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen Xildhibaannada ku matala golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah, Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Duulista Hawada Fardowsa Cigaal, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Jire Qalanle iyo Wasiiro kale.
Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda Muqdisho ay kulan ku yeeshaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Magacaaban iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, sidoo kalena Xukuumadda cusub dhawaan la horeyn doono Xildhibaannada Golaha Shacabka.