Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka written by Warsan Radio 05/07/2022 Shiinaha ayaa beeniyay eedeyn mas’uuliyad darro ay ku tilmaantay oo uga timid madaxa hay’adda saadaasha hawada ee Maraykanka, kaasoo sheegay in xukuumadda Beijing ay qabsan rabo qeyb dayaxa.Bill Nelson oo ah maamulaha hay’adda NASA ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ku sheegay in Shiinaha uu wado qorshe uu mashruuc milateri uga fulinayo guudka dayaxa.Shiinaha sanadihii la soo dhaafay sare u qaaday hawlgalladiisa ku aaddan dayaxa, waxaana uu dayax-gacmeed aanay cidna saarnayn ku dejiyay dayaxa sanadkii 2013. Beijing ayaa sidoo kale doonaysa in dayax-gacmeed awood badan oo qaadi kara cir-bixiyayaal ay dayaxa u dirto inta aan la gaarin 2030.“Waa arrin walaaceeda leh in Shiinaha uu gaarayo dayaxa, kadibna oran doono “inaga ayaa leh oo cidna uma soo dhawaan karto,” ayuu Bill Nelson ku sheegay waraysiga.Waxa uu intaa raaciyay in barnaamijka hawada sare ee Shiinaha uu yahay mid ku salaysan cudud milateri, isla markaana ay xukuumadda Beijing fekrado iyo tiknolaajiyad ku aaddan hawlgalkaas ay ka xaday dalal kale.Ma aha markii u horreysay ee madaxa hay’adda NASA uu iska indho-tiray xaqiiqda, isla markaana uu sheegay hadal mas’uuliyad darro ah oo ka dhan ah Shiinaha,” ayuu yiri Zhao Lijian oo u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha. Shiinaha oo iska fogeeyay eedeyn uga timid Mareykanka was last modified: July 5th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidanka NISA oo howlgal gaar ah ka fuliyay Muqdisho next post Shirka Madaxda IGAD oo Maanta ka furmaya Nairobi & Somalia oo ka qeyb galeysa You may also like Madaxweyne Donald Trump oo wali diidan guusha doorashada Joe Biden 11/11/2020 Weeraro hoobiyayaal ah oo Baydhabo maalin cad lagu soo qaaday. 11/04/2019 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 05/10/2021 Maxaa looga hadlay Shirka Golaha Amniga Qaranka uu guddoomiyey MW Xasan? 05/08/2023 MW Xasan Sheekh oo Odayaasha dhaqanka KGS kala hadlay qorshaha xoreynta dalka 19/10/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 28/09/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/04/2020 DHAGEYSO: MAXKAMADA CIIDAMADA QALABKA SIDA QEYBTA 60 AAD OO XUKUN KU RIDEY ASKARI KA TIRSAN CIIDANKA KGS . 02/05/2018 Wasiir Beyle oo ka hadlay Lacag ay ugu deeqay Bangigga Aduunka Dowladda Somalia 24/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 02/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.