Baydhabo-{WMN}-Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmad Macalin Fiqi ayaa Maanta soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka baay, waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo kusoo soo dhoweeyey Wasiirka arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdullahi Xaaji Xasan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed
Socdaalka Wafdiga Wasiirka ayaa ujeedkiisa lagu sheegay u kuur gelidda xaaladaha kajira degaannada Maamulka Koonfur Galbeed sida arrimaha amniga iyo abaaraha saameeyay qaar kamid ah Bulshada kunool degaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiqi ayaa la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay kunool yihiin dadka barakacayaasha ah si uu ugu kuurgalo xaaladaha kajira.
Madaweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) oo kusugan magaalada Baydhabo ayaa waxaa la filayaa inay kulan yeeshaan Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Axmad Macalin Fiq