Weerar dad lagu dhaawacay oo ka dhacay dalka Faransiiska written by Warsan Radio 11/01/2023 Ugu yaraan 6 qof ayaa lagu dhaawacay Weerar Tooreey (A stabbing attack) oo Oogtii hore ee saakayto ka dhacay Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station oo ku yaalla Bartamaha Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris.Qoraal uu Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Gerald Darmani soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Eedeysanihii weerarka geystay ay Boliska degdeg u dileen.Wasiirka waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Boliska sida Geesinimada leh ee ay uga fal-celiyeen Falkaasi.Sida laga soo xigtay Telefishinka BFTV, 6 qof ayuu dhaawacay Fudud ka soo gaaray weerarkaasi, kuwaasi oo daryeel Caafimaad loo fidiyey.Faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin Haybta iyo magaca Ninka weerarka geystay oo la sheegay inuu Luqada Carabiga ku hadlayey.Dhanka kale, Sarkaal u hadlay Shirkadda Tareenada Faransiiska ayaa sheegay inuu weerarkaasi horjeeday Jahwareer ku yimid Jadwalkii Shaqada ee Tareenada ee saakayto.Saldhiga Tareenada ee maanta uu ka dhacay Weerarka Tooreyda waxa uu ka mid yahay kuwa ugu Mashquulka badan ee ka shaqeeya gudaha dalalka Europe.Saldhig Tareenada laga raaco ee The Gare du Nord Station waa Marinka ugu weyn (A major link) ee isku xira magaallooyinka Paris, London iyo Waqooyiga Qaarada Europe. Weerar dad lagu dhaawacay oo ka dhacay dalka Faransiiska was last modified: January 11th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh & Senator Fartaag? next post Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo cabasho ka ah Ciidamada hubeysan You may also like Dhageyso: Tartan aqooneedka Idaacada Warsan 04/04/2023 Wafdi oo Hogaaminayo Guddoomiyaha Maxkamadda sare Dalka Oo Maanta U Ambabaxay Qaahira 09/09/2022 Dab qabsaday suuq ku yaalla caasimadda dalka Lebanon ee Beirut 16/09/2020 Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay inay dardar gelionayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab 30/08/2023 Guddoomiye Cali jeyte oo faah faahiyay sababta uu uga baxay Guddiga 13/12/2022 Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay safiirrada caalamka u fadhiya Soomaaliya+(Sawirro) 28/09/2020 Lix kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland oo lagu doortay Muqdisho 29/09/2021 Dhageyso:-Mashruuc Ceel Qodis Ah oo Dhawaan Laga Fulin Doono Degmada Buur Hakaba 19/11/2017 Madaxweyne Qoorqoor oo saxiixay 10 Sharci ah oo cusub 26/02/2022 Roob Mahiigaan ah oo ka da’ay Dalka Pakistan 30/08/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.