Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa kahadlay kheyraadka ku jira dalka Somalia iyo sida ay dadka Soomaaliyeed uga qaxayaan dalkooda.
Michael Keating, waxa uu sheegay in Somalia ay kaalinta koowaad kaga jirto wadamada Africa ugu dhaqan waxa uuna tilmaamay in taasi bedelkeeda ay tahay mid Shacabka Soomaalidu ay yihiin kuwo dayacay dalkooda isla markaana aan maalgishan Gobolada ay kasoo kala jeedan.
Michael Keating, oo la hadlaayay Soomaalida ku dhaqan Magaalada Ottawa ee dalka Canada, ayaa ugu baaqay inay dib ugu laabtaan dalkooda oo ay dhaqaalo gishtaan.
Michael Keating, waxa uu Soomaalida ku eedeeyay inay dayaceen wadankooda isla markaana ay yihiin kuwo u jilicsan dhaqaalo gishiga wadamada ay dulsaarka ku yihiin.
Keating waxa uu Soomaalidaasi uu la kulmay u sheegay inuu raja wanagsan ka muujiyay dib u soo kabashada Somalia, gaar ahaan arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Horumarka.
Keating, waxa uu Soomaalida u sheegay in dalkooda uu yahay mid u saaxiib ah Ganacsiga iyo Kheyraadka qeybihiisa kala duwan, balse looga baahan yahay inay maalgishtaan, sida uu hadalka u dhigay.
Keating, ayaa inta badan la kulma Soomaalida ku dhaqan wadamada uu kolkaasi martida ku yahay waxa ayna is weydaarsadan Macluumaadyo kala duwan, isagoo dhanka kale ku booriya inay dib ugu laabtaan dalkooda.
Ugu dambeyntii, Arrintaani ayaa imaaneysa xili Beesha Caalamka ay goor sii horeysay sheegtay in Somalia ay cagta dhigtay wadadii loogu tallo galay.
September 2016
-
Kenya(WRB)Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay bilaabayso howgal cusub oo ay kula dagaalamayso Al-Shabaab ka dib markii ay kordheen weerarada ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Taliyaha…
-
WARARKII MAANTA
WASAARADA WAXBARASHADA KGS IYO HAY’ADA ADRA OO ISKUUL CASRI AH DHAGAX DHIGAY
by ATEERA September 24, 2016Baydhabo(WR)Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hay’ada ADRA ayaa Maanta si wada jir ah u dhagax dhigey iskuul Casri ah oo aan weligiis laga hergalin Degaanada…
-
WARARKII MAANTA
DHAGEYSO: CIIDAMADA BOOLIISKA DEGMADA AFGOOYE OO DHAQ DHAQAAQ HALKAAS KA WADA
by ATEERA September 24, 2016Afgooye(WRB)Dhame Amiin Maxamed Cusmaan taliyaha Saldhiga Booliska afgooye Ee Gobolka Shabeelaha hoose oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ciidamada dowlada Soomaaliya ee ka howlgala dagmada ay u diyaar garoobeen…
-
WARARKII MAANTA
DHAGEYSO: Wasaarada Arrimaha Gudaha oo war ka soo saartay Shirka ka socda Jowhar
by ATEERA September 23, 2016Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay Qasab in ay tahay Hal Maamul in loo sameeyo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed…
-
Federal Parliament Speaker Mohamed Osman Jawari Thursday went to Baidoa the capital of South West state even as sources intimated he could be defending his seat as Speaker of the…
-
Ciidanka Suuriya ayaa shaaciyay in uu duulaan weyn ku qaadayo deegaannada ay mucaaradka ka haystaan magaalada Xaleb. Waxa uu ugu baaqay dadka rayidka ah in ay ka fogaadaan deegaannada ay…
-
Muqisho(WRB)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir…
-
WARARKII MAANTA
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Jarmalka
by ATEERA September 23, 2016Frankfurt(WRB)–Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Jarmalka ayaa waxa uu kulamo la qaatay Xeer ilaaliyaha Dalka Jarmalka, iyagoo ka wada hadlay sidii…
-
WARARKII MAANTA
Madaxweynaha Maraykanka oo ka goys adeegaya in Sacuudiga la Maxkamadeeyo
by ATEERA September 23, 2016Washinton(WRB)–Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa maanta codka diidmada qayaxan ee Veto-ga u isticmaalaya haddii sharci ahaan loo ogolaado dadkii ka badbaaday iyo kuwii ku dhintay Eheladoodii weerarkii 11-kii September inay…

