{WARSANRADIO} :-ย Barnaamijkani ee Dooda ah ee loo qabtey Guddiga ay leeyihiin Ciyaartoyda Baardheere ayaa waxaa ka qeyb galey Xubno ka tirsan Gudiyada Ispoortiska Baardheere iyo Ciyaar yahano matalyey ilaa 12 kooxood oo ka dhisan degmada Baardheere,waxaana doodani dhex martey Bahda Ispoortiska ay ka dambeysay ,ka dib markii la soo gunaanadey dhismaha Garoonka Kubada Cagta degmada,iyadoo dhinaca kalena markii ugu horeysayย Kooxaha ka dhisan Baardheere la gudoonsiiyey Qalab Ispoortis.
Xafladii xil wareejinta Qalabka Isboortis iyo furitaanka tartanka kooxaha ayaa waxaa ka qeyb galey Ms,uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Baardheere,Guddiga Isboortiska,dhalinyarada degmada iyo waxgarad kale,mas,uuliyiintiii ka hadashey Xaflada ayaa waxay sheegeen in ay ku faraxsan yahiin Dib u dhiska iyo balaarinta lagu sameeyey Garoonka kubada Cagta degmada Baardheere oo dayacnaa iyo Qalabka isboortisaka ee loo qeybiyey Ciyaartoyda.
Xubinta Dooda ayaa waxay ku saabsan tahay sidee loo xoojin karaa Horomarka Ciyaaraha degmada , sidii loo xanaaneyn karo dhismaha Garoonka kubada Cagta Baardheere oo dhowaan si casri ah loo dhiseyย iyo side Ciyaartoyda Baardheere ugu qeyb gali karaan tartamada Dalka,iyadoo maalmo ka horna garoonka kubada cagta Baardheere laga furey tartan loo qabtey 12 kooxood.
Doodan ayaa waxaa ka qeyb galaya,Cabdulaahi Cabdi warsame oo ah G/Ku xigeenka Ispoortiska degmada Baardheere,C/risaaq Siraad Mirocood oo ah G/ku xigeenka Ispoortiska Gobolka Gedo,Axmed Xuseen oo ah Kabtanka Kooxda ELMAN eek a dhisan Baardheere,Muqtaar Ajuuke oo ah Tababaraha Ciyaartoyda Kubada Cagta degmada Baaardhere iyo Dadweynaha oo Barnaamijka Dooda ugu qeyb galaya Qad
Barnaamijkani oo ka baxay Idaacada Markabley ee Baardheere 2.30kii fiidnimo ee15/3/2017,ayaa waxaa soo saarey Wariye Yaxye Cabdirisaaq Soofe.