Munaasabadaan Lagu abaalmarinaayey Xaafadihii Kuguleystey Tartan Aqooneedkii Bishii Ramadaan Ay Uqabatey Towanka Xafadood Ee Ka Kooban Magalada Baydhabo Idaacada Warsan Xafadahaasi Oo wada Galey Kaalimaha Kowaad Ilaa Iyo Sedexaad. Munaasabadaan Oo Ay Qaban Qabadeeda Ay Lahayeen Ururka Walaalaha Garab Walaal Iyo Idaacada warsan Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galey Xilidhibaano’wasiiro Katirsan Kg Gudoomiyaasha Gobolka Baay Iyo Kan Degmada Baydhabo agaasimiyaasha Idaacadaha Magalada Baydhabo’Gudoomiyaasha Iyo Agaasimiyaasha Jaamacadaha Baydhabo Ku Yalaan.Towanka Xaafadood Gudoomiyaashooda’Ururada Haweenka Ururada Dhalinyarada Iyo Masuulin Kale Oo Katirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ugu Horeen Xafladaan Lagu Awaal Marinaayey Xafadihii Ku Guuleystey Tartankii Bishii Ramadaan Ee Ay Qabatey Warsan Radio Ayaa Waxaa Kahadley Oo Uu Ku Hadlaayey Afka Ururka Walaalaha Garab Walaal Yaxye Macalin Yuusuf Oo Ah Gudoomiyaha Ururkaasi Waxaana Uu Ka Warbixiyey Bilow Ilaa Iyo Dhamaan Tartankaan Waxa Yaabihii Lagu Guuleystey Iyo aqabadihii Ay Kusoo Arkeen Inta Uu Socdey Tartankaani Isagoo Sheegey In Muhiimada Ay Aheed Sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Aqoonta Dhalinyarada Degaanadaan Koonfur Galbeed Soomaaliya. Cod Hilaal Sheekh Shuceyb Agaasimaha Idaacada Warsan Oo Munaasabadaan Kahadley Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Mar walba Ay U Taagan Yihiin Sidii Kaalintooda Ay ugu qaadan Lahayeen Ka Idaacada ahaan Wax Yaabaha Lagu Hor Malinkaro Bulshada Magalada Baydhabo Asigoo Sheegey In Wax Badan Ay Ka Fahmeen In Dhalinyarada Ku Nool Magalada Baydhabo Ay yihiin Kuwo U Baahan In Dhanka Media Wax Lagu Barikaro Waxaana Uu Balan Qaadey In Xili Walba Ay Kor U qaadi Donaan Iyadoo Adeegsan Donaan Idaacada Aqoonta Dhalinyarada Ku Nool Magalada Baydhabo. Cod Waxbarashada Kaliya Ma Ahan In Aad Tagto Oo Kaliya Iskool Ama Meel Wax Lagu Barto Sida Aniga Aan Amisanahay Idaacadaha Waxey Kaalin Kaqaadan Karaan Waxbarashada Degaanka Iyo Horumarinta Waxbarashada Sidaasi Waxaa Amisan Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Abdiraxmaan Dooyow Xili Uu Lahadlaayey Dhalinyaradii Kasoo Qeyb Gashey Manasabadii Lagu Abaal Marinaayey Xafadihii Ku Guuleystey Tartankii Bishii Ramadaan Ee Lagu Qabtey Idaacada Warsan. Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere Ayaa Waxaa Uu Kahadley Sida Wanaagsan Ee Ay Isu Garabtaagan yihiin Bulshada Ku Nool Degaanada koonfur Galbeed Soomaaliya Gaar Ahaan Shacabka Magalada baydhabo Oo Uu Kusheegey Sida Ay U Sameyeen Gurmadkii Wax Looga Qabanaayey Dadkii Dhwaan Kusoo Barkaceen Magalada Baydhabo Kuwaasi Oo Ay Ka Yimadeen Degaano Katirsan KG Oo Ay Kusoo Sameysan Abaartii Gudoomiyaha Asigoo Arintaasi Ka Hadlaayey Ayaa Waxaa Uu Jawaab Udirey Qaar Kamid Ah Dadka Ku Nool Qurbaha Oo Ay Kasoo Jedaan Degaanadan KG Oo Ay Ku Shegeen In Ay Abaarta Lagu Dhamaadey Ay Ka Jirto Gobolka Baay. Cod Abdulaahi Cumar Maxamed Fanax Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka KG Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Arintaan Ay Tahay Mid Lagu Farxo Marumarada Dhanka Wax Barashada Ay Ka Gareen Dhalinyarada Ku Nool Goboladaan KG Gaar Ahaan Kuwa Ku Nool Magalada Baydhabo. Wasiirka Ayaa Waxaa Uu Sheegey In Dhalinyarada Maanta Ay U Baahan yihiin Nabada Si Ay Ku Hormariyaan Degaanadooda Asagoo Sheegey In Kala Xirnaanshada Gobolada KG Wax Badan Ay Ugu Xirin Yihiin. Waxaana Uu Balan qaadey In Uu Ku Dadaali Doono Sidii Lagu Hormariisan Lahaa Dhalinyada KG Dhanka Waxbarashada Isboorliska Iyo Wax Yaabaha Kale Ee U Baahan Degaanka.
W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)
previous post
DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN
You may also like
Dowladda Yemen oo sheegtay in meydadka dagaalyahanno Al-Shabaab ah laga dhex helay Xuutiyiinta lagu dilay dagaallo ka dhacay dalkaasi
September 27, 2026
Ugu yaraan 6 qof oo rayid ah ku dhaawacmay hal qof oo rayid ah wuu ku dhintay duqeymo ka dhacay Myanmar, yaase ka danbeeya duqeymahan rayidka myanmar lala eegtay?
September 27, 2026
Carlos Yulo: “Wiilka Dahabiga ah” ee Philippines oo taariikh ka sameeyay Ciyaaraha qaarada Aasiya.
September 27, 2026
Qaxootiga kasoo hayaamay Yemen oo wajahaya xaalad caafimaad oo aad u adag gudaha Jabuuti gargaar loo fidiyay | Aljazeera English.
September 27, 2026
Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Koonfur Galbeed oo Baydhabo laga daahfuray maxaa loogu hadlay?
September 27, 2026Kusimaha Madaxweynaha JFS oo Kormeer Shaqo ku Tegay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Muqdisho.
September 25, 2026


