Madashii loo asteeyay in ay ka dhacdo doorashada waxaa ka bilaawaatay jeedintii khudbooyinka musharixiinta, sedex musharax ayaana u matlanayd in ay jeediyaan khudbado.
Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ahna sii hayaha xiklka gudoomiyaha BKGS ayaa sheegay in 130 xildhibaan ay fadhiyaan kooramkana uu buuxo.
Aadan Maxamec Nuur Saransoor oo bilaabay jeedinta khudbadaha musharixiinta ayaa u sheegay xildhibaanada waxyaabaha uu muhiimadda saari doono marka ay doortaan xildhibanda.
Khudbadda markii uu dhameeyay Aadan Saransoor waxaa uu xusuusiyay xildhibanada in shalay ay ku mucaaradyeen Shariif Xasan caddaalad daro ay tirsanayeen, waxaana uu xasuusiyay in iyagana ay manta gacmahooda ku jirto caddaaladda.
Ibraahim Macalin nuuroow khudbada ku xigsadey ayaa ma uu ka sheekeynaayey wax qabadkiisa waxaa uu sheegey in hadii loo doorto xilka madatinimo kg wadahadal la galaayo Xarakada al-shabaab.
Gabagabadii Xuseen Cismaan Xuseen oo kamid ahaa seddaxda murashaxiin manta khudbad jeedinta ku qornaa ayaa
Khudbad jeedinta Musharixiinta ayaa bilaabatay iyadoo uu ka maqanyahay magaalada Musharax Mukhtaar Rooboow oo Dowladda dhexe u xiran isagoo musharax ah, mana la soo hadal qaadin, berina waxaa ay noqon doontaa.