Xildhibaan Amiin Maxamed Faarax oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo dhowaanahan hoowlo shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho oo dib ugu soo laabtay Baydhabo ayaa markii uu soo gaaray magaalada waxaa uu tacsi tiiraanya leh u diray qooyskii, qaraabadii ehelkii ee maamul goboleedkii uu ka geeriyooday marxuum Xildhibaan Cabdi Shakuur Buule oo ahaa gudoomiyihii gudiga amniga Baaralamaanka goboleedka KGS.
Xildhibaan Amiin ayaa sheegay in uu xildhibaan Cabdi Shakuur Yacquub Buule uu ahaa saaxiibkiis ay aad isugu dhowyihiin, geeridiisana taabatay, waxaana uu ku sifeeyay in uu ahaa xildhibaanka qof leh wadiniyad, dabeecad iyo dad la dhaqan wanaagsan, waxaana uu Alle uga beryay in uu marxuumka janadii Fardoowso ka waraabiyo, gadaashiisna Allen a fitnayn.
Ugu danbayntii waxaa uu xildhibaanka fariin u diray Bulshada ku dhaqan KG, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Baydhabo, isagoona ugu baaqay in ay isdejiyaan oo ay ku dadaalaan nabadda iyo xasiloonida, mar hadeey muujiyeen shucuurtooda oo ay aduunyada iyo mas’uuliyiintooda maqleen una hogaansameen dalabkooda iyo aragtidooda.