Baydhabo Somaliya{WMN}-Magaalada Baydhabo oo xarun KMG u ah maamulka koonfur galbeed,waxaa ka socd horumar balaaran oo dhankasta leh,gaar ahaana marka aan ka hadleyno dhanka wadooyinka heer ayaa laga gaarey.
Wadooyinka muhiimka ah ee bartamaha Magaalada mara iyo kuwa xaafadaha ku dhaxyaala ee la is ticmaalo ayaa si fiican bilicdoodii usoo noqotey kadib shaqo fiican laga qabtay.
Ku dhowaad Boqol wado oo isu socodka dadka iyo gadiidka ayaa hada ku socda dayactir,qaarkooda waa lasoo gaba gabeyey,waa tilaabo horey loo qaadey oo loo baahnaa xili muhiim ahna kusoo aadey.
Howshan dayactirka wadooyinka ah waxaa kaalin weyn ku leh maamulka Koonfur galbeed soomaaliya,gaar ahaana Maamulada Gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo.
Marka Magaalada aad mareyso oo aad milicsato dhanka xaafadaha kala duwan waxaad arkeydaa sida Sawirada idin ka muuqda wadooyin ciriiri ahaan jirey oo dhibaato lagu qabey isticmaalkooda oo hada si balaaran u dhismey oo aad ku raaxeysaneyso socodkooda iypo hadii gadiid aad ku socotaba.
Gudoomiyaha maamulka Gobalka Bay Cali Wardheere caraxmaan,Gudoomiyaha degmada Baydhabo Claai Cali watiin iyo Wasiirka Amniga Maamulka xasan Xuseen eeley ayaa dhowaan kormeerey wadooyinkan dhismaya.
Bulshada Magaalada Baydhabo ayaa si weyn usoo dhaweyey dhismayaasha wadooyinka la dhisayo,waxaana qeyb ka yihiin bulshada sida maamulka ay ugula shaqeeyaan iney wadooyinkan dhismaan.