Labaatankii sano ee la soo dhaafay waxaa dalka taladiisa iyo isu haynta ummadda wax aka shaqaynayay waxaa ay ahaayeen Odayaasha dhaqanka, hadeey ahaan lahaydย nabadaynta, dhismaha Dowladnimada midda dhexe iyo maamul goboleedyada. Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha la doortayย ee Koonfur Galbeed soomaaliya Cabdicasiis xasan Maxamed lafta gareen mar uu kulan qado sharaf ahaa madaxtooyada koonfur galbeedย ku lahaa Odayaasha dhaqanka xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ugu jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa uu madaxweynaha ku amaanaya Odayaasha dhaqanka in ay yihiin marjaca umudda ee kaalin libaax ku leh taabagelinta nidaamka dowliga xasilinta dadka iyo dalka, sadaas darted waxaa uu ka codsaday odayaasha in ay la shaqeeyaan isaga sidii ay ula shaqeeyeen maamulkii isaga ka horeeyay ee uu hogaaminayay Shariif Xasn Sheekh Aadan, waxaana uu madaxweynaha si gaar ah uga codsaday in ay kala shaqeeyaan dhinaca dib u heshiisiinta.
Waxaa uu qiray Madxweynaha cusub in madaxweynihii hore Koonfur Galbeed Shariif Xasn Sheekh Aadan uu shaqeeyay maamulkiisii isagana uu manta dhaxlay nidaam dowladeed oo shaqaynaya kaasoo leh hayโado dastuuri ah, xafiisyo iyo ciidan amniga suga, waxaana uu taas amaanteeda u qiray madaxweyne Cabdi Casiis Lafta gareen Madaxweynihiiย xilkiisa isagoo toban maalmood uga harsantahay iska casilay Mudane Shariif Xasn Sheekh Aadan, isagana waxaa uu sheegay in oo looga baahanyahay in uu horay uga qaado halka uu uga yimid ee uusan gadaal uga dgigin.
Waxaana uu xusay in uu ku niyad sanyahay qalbi fiicnaan naftiisa iyo wada shaqaynta Odayaasha ay tusinayso in uu ka soo dhaliili karo kaalintiisa Koonfur galbeedna halka ay joogto meel ka sarayso uu gayn karo afarta sano ee uu hayo talada Koonfur Galbeed.
Kulamada madaxweynaha Cusub uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ah kuwo uu uga gol leeyahay sal udhigista hanaanka dowladnimada Koonfur Galbeed si uu meesha uga saaro dhibaatooyinkii dhacay ka hor inta aan la dooranin, waana talaabo muujinaysa u heelanaanta madaxweynaha cusub booga dhayidda iyo turxaan bixinta madmadoowga ragaadin kara madaxweynaha hoowlaha horyaal ee ugu horayso dhisida xukuumaddiisa iyo maamulada degmooyinka koonfur galbeed.