Baydhabo Somaliya{WMN}- Itoobiya ayaa noqon doonto dalkii u horeeyay oo Afrikaan ah oo marti gelin doona Shirka dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) sanadka 2020.
Sida ay shaacisay Wakaaladda Wararka Itoobiya Aas aasaha Madasha Dhaqaalaha Adduunka Prof Klaus Schwab iyo Raβiisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa gaaray heshiiska Itoobiya ku marti gelin doonto shirka soo socda.
Xafiiska Raβiisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in labada Hoggaamiye ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda, shirkadaha gaarka iyo ururada bulshada ee ku saabsan arrimaha muhiimka ee caqabadaha adduunka.
Raβiisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka qeyb galay shirka Dhaqaalaha Adduunka ee sanadkan 2019 lagu qabtay magaalada Davos ee dalka Switzerland.
Waxaa uu ugu baaqay maalgashadayaasha inay ka faaβideystaan ganacsiga xoogga leh iyo fursadaha muhiimka ee ka jira dalka
Is bedelada ka dhacay Itoobiya bishii April ee sanadkii hore, kaddib markii uu Xafiiska la wareegay ayaa sabab u noqday in dalku galo furfurnaan ganacsi iyo inay ku soo hirtaan maalgashadayaal fara badan.