Baydhabo Somaliya{WMN}- Duqeyntaan ayaa si gaar ah uga dhacdey deegaanka buur heledo oo Qiyaastii 39 KM u jirto Degmada Buur hakaba ee Gobolka Baay.
Waxaana Wararka Ay sheegeyaan in Weerarkaan lala Beegsadey Xubno Ka tirsan Al shabaab oo deegaankaas Fariisimo Ku lahaa .
Gudoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Buur Hakaba Cabdi Xasan Buule oo Warsan u Waramey Ayaa Xaqiijiyey in Afar diyaaradod oo Deegaanka Bale Dooglle iyo Baydhabo Ka soo Kicitimey Duqeyntaasi Ay Ku dileen Ciidamo Al shabaab Ka tirsan Maxaabiis ay Halkaasi ku heysteena Laga soo Furtey inkasto Xaqiijin tirade Maxaabiista La soo Furtey iyo inta ku Dhimatey .
Duqeyntaan Ayaa Ku soo Aadeysa Todobaad Ka Hor markii Al shabaab weerar la Beegsatey Kolonyo Ciidamada itoobiya ah oo Wadadas Ku Socdaalayey iyadoo Weerarkaas Khasaaro Fara Badan Kasoo Gaarey Ciidanka Amisom Qeybtooda itoobiya .