Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qaraxyadii mataanaha ahaa ee caweyskii ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay falkaasi, oo uu dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab, isagoo dhanka kalana kaga tacsiyadeeyay qoysaska ku waayay kuwii ay jeclaayeen.
“Waxaan cambaareynaya, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee kooxda argagixisada Al Shabaab ka geysteen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellada Hoose.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran ayaa sheegay in uu xogta ku hayo in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan, oo buu yiri carruur u badan.
“Waxaa la ii sheegay in ay ku naf waayeen dad aan waxba galabsan oo carruur u badan. Waxaan leeyahay intii ku dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga-dhayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay qaraxyadaasi, isla-markaana ay sharciga horkeenaan.
Maxamed Cabdulle Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in qaraxyada ka dib baaritaano ay sameeyeen inay ku soo qab qabteen xubno lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.
Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in ay haataan ku hawlan yihiin baaritaanka xubnahaasi, wixii natiijo ahna ay dib Warbaahinta ugala soo wadaagi doonaan.
Waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadii gilgilay Degmada Wanlaweyn, ha yeeshee waxaa si dhow loola xiriirinaya Ururka Al Shabaab.
June 21, 2020
-
WARARKA MAANTA
Qaramada Midoobey iyo Madasha Xisbiyada Qaran oo kulan ku yeeshay Muqdisho
by Admin June 21, 2020Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Kulanka James Swan iyo MXQ waxaa diiradda lagu…
-
WARARKA MAANTA
Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda
by Admin June 21, 2020Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saaka waaberigii waxaa ay weerar ismiidaamin ah kuq aadeen Saldhiga Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee…
-
WARARKA MAANTA
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo DDSI oo xal ka gaaraya colaadda beelo Soomaaliyeed oo Aabaaley ka dhacday
by Admin June 21, 2020Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxay dadaal adag ugu jiraan sidii loosoo Af-meeri lahaa colaado dhowaan ka dhacay deegaanka Aabaaley oo dhaca meel dhow xudduudda Soomaaliya…
-
WARARKA MAANTA
Mooshin laga gudbiyay Qoondada Haweenka ay ku leeyihiin Baarlamaanka Federalka
by Admin June 21, 2020Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa kulankoodii manta waxa ay uga hadleen qoondada haweenka ay ku leeyihiin labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, maadaama dalka uu guda galayo doorashada 2020/2021. Guddoonka Golaha Shacabka…
-
WARARKA MAANTA
Faahfaahin khasaaraha ka dhashay qaraxyo ka dhacay degmada Wanllaweyn
by Admin June 21, 2020Qaraxyo mataano ahaa ayaa xalay ruxay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira ay ka dhasheen. Qaraxyada oo ahaa miinooyinka nooca dhulka lagu aaso…
-
Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa soo bandhigtay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19, ee dalka laga diiwaangeliyay, 48-kii saac ee la soo dhaafay. Wasaaradda Caafimaadka ayaa xaqiijisay in dalka laga diiwaangeliyay…
-
Siyaasiyiinta Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxay maanta markale dhaliilo adag u jeediyeen Dowladda Federaalka Somaliya, ka dib markii ay sheegeen inay ku fashilmatay hannaanka geedi-socodka doorashada. Warsaxaafadeed ay soo saareen…
-
WARARKA MAANTA
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo magacaabay Taliye-yaal ciidan
by Admin June 21, 2020General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Taliye-yaal ciidan u magacaabay Ururada Guutada 15aad ee Qaybta 21aad iyo Taliye Kuxigeenka Guutada. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wareegto…

