Waxaa xalay siyaabo kala duwan ay dilal qorsheysan uga kala dhaceen Magaalooyinka Beledweyne oo katirsan Gobolka Hiiraan & Magaalada laas-Caanood oo ah Xarunta Gobolka Sool.
Nin hubeysan ayaa Magaalada Beledweyne ku dilay Nin lagu Magacaabi jiray Saciid Xasan Axmed ( Madaxeey) oo kamid ah dadka kunool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Warwrka aan helnay ayaa sheegaya in Marxuum Saciid lagu dhex dilay Gurigiisa, isla markaana dilkiisa uu la xiriiro arrimo Beeleed iyo Haweeneey la isku qabsaday.
Dhinaca kale rag hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa ku dishay Magaaladda Laascanood ee Xarunta Gobolka Sool Isu-duwihii Qandaraasyada Somaliland Maxamed Cabdilaahi Faarax (Jeeri).
Dilka Marxuuumka waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, isaga oo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu kabaxay marxuumku, in uu samir iyo imaan Alle ka siiyo.
Raggii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay inay Goobta isaga baxsadeen, waxaana xusid mudan in Magaalada laas-Caanood dhowr bilood ka hor laga musaafuriyay dad kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed kadib markii ay dillk kordheyn, hayeeshee weli ay dilalkadhacayaan.