Kulan Xasaasi ah ayaa Magaalda Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Madaxweegihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo ah Gudoomiyaha Midowga Musharrixiinta iyo Madaxweynaha Phntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay Muqdisho soo gaaray.
Kulankan oo la xiriira xaaladda Siyaasadda dalka ayaa lagu gorfeeyay arrimaha doorashada gaba gabada ah iyo isbeddelka siyaasadeed ee la filayo in uu ka dhaco dalka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee Dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Kulankooda ayaa waxa ay uga hadleen xaaladaha guud ee dalka, iyo arrimaha doorashooyinka oo gabo gabo maraya, iyaga oo dhinaca kale soo bandhigay caqabadaha heysta.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kasii socon doona kulamada looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.