Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay written by Warsan Radio 01/06/2022 Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan.Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.Aaabaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.Xigasho Bbc Somali Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like DFS oo markale shaacisay in wax Kiis COVID-19 laga helin magaalada Muqdisho 22/06/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 12/06/2023 dhageyso Gudoomihii Degmada Bardaale Ee Gobolka Baay Oo shil Gaari Ku Galey Wada Isku Xirta Baydhabo Iyo Baradale 10/02/2017 Cumar Filish oo shaaciyey inay diiwaan-geliyeen 500 oo meydad ah 02/05/2020 Akhriso:- Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Booqday Isbitaallo Iyo Xarun lagu Barto Farsamada Gacanta 03/07/2019 Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Safiirka Itoobiya kala hadlay Amniga doorashooyinka 19/09/2021 Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday kordhinta Goobaha lagu baaro COVID-19 26/05/2020 Fadeexad ka soo baxday isku shaandheyntii xubnihii cabashada laga keenay 16/06/2021 Ku dhawaad 40,000 oo arday oo imtixaan u fadhiistay degaanada Somaliland 11/06/2022 Turkiga oo u yeeray danjiraha Denmark, ka dib markii la gubay kitaabka Qur’aanka ah 28/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.