Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar written by Warsan Radio 24/07/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta galaya safarkii 7aad ee dalka dibaddiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022, isaga oo kuwajahan dalka Masar.Madaxweynaha ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka dallada Bariga Afrika ee (EAC) , isaga oo gudbiyay codsi la xiriira in Soomaaliya ay kamid noqoto dalalka ku bahoobay Ururka EAC.Madaxweynaha oo martikaad ka helay dowladda Masar markii la doortay ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fitaax Siisii iyo mas’uuliyiinta kale dalkaas, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar.Dowladda Masar oo kamid ah dalalka Carbeed ayaa xiriirkooda xumaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sanadihii ugu dambeeyay aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.Sidoo kale dowladda Masar ayaa xilligaan wuxuu khilaaf xoogan oo la xiriira Wabiga Nile uu kala dhaxeeya dowladda Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, isla markaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa aaad u bataya safarada uu ku tegayo dalka dibaddiisa, isaga oo horay u sheegay in uu doonayo hagaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka, kuwaas oo qaarkood la xumaayay 5-tii sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar was last modified: July 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post laamaha Amniga dowlad degaanka oo sheegay inay soo afjareen weerarkii Al-Shabaab next post Ciidamada Puntland oo howlgal gaar ah fuliyay You may also like Qoys Soomaaliyeed oo ku geeriyooday dalka Finland kadib markii dab ka kacay gurigooda 11/10/2023 Khatar intee le’eg ayay TPLF iyo OLA ku yihiin Dowladda Itoobiya 03/11/2021 Dhgeyso+Sawiro:-Dufcadii 15aad eek a qalin jabisay iskuulka Model oo loo sameeyay Xaflad sagootin ah. 21/04/2019 Heesaaga Soomaaliyeed Maxamed Qoomaal oo xabsi 15 bilood ah lagu xukumay(Sawiro) 16/12/2017 Gudoomiyaha golaha Shacabka oo shaaciyay xilliga la qaban doono dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed 17/12/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 14/02/2019 Xasan Koboc oo ku guuleystey kursiga doorashada Aqalka Sare 19/09/2021 Askar dilal gaysatay oo lagu fuliyay dil toogasho ah 23/10/2023 VIDEO XUSKA MAALINTA CARUURTA AFRIKA OO MAANTA SI WAYN LOOGA XUSAY BAYDHABO 16/06/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.