Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo written by Warsan Radio 14/08/2022 Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ku dhexmaray degaanka Xalfooleey oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan maleeshiyaad katirsan Kooxda Macawiisleeyda iyo Xubno kamid ah Ururka al-Shabaab.Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay sida la sheegay kadib markii maleeshiyaadka macawiisleeyda ay weerareen degaanka Xalfooleey , waxaana dagaalka labada dhinac kasoo gaaray khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.Mid kamid ah horjoogayaasha macawiisleeyda ayaa sheegay in ay Al-Shabaab kala wareegeen degaanka, Isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen wallow aan weli la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya warkaas.Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Xalfooleey oo hoostaga degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degaan, balse markasta la filan karo inay dagaalamaan dhinacyada maleeshiyaadka Macawiisleeyda iyo Al-Shabaab. Dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan & faah faahin laga helayo was last modified: August 14th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweynaha Puntland Oo Soo Saaray Amar Uu Ku Joojiyey Iibinta Buugaag Muhiim Ah next post Ninka weeraray Salmaan Rushdi oo la aqoonsaday You may also like DAAWO: CALEEMO SAARKA MALAAQA GUUD EE BEESHA JIROON OO KA DHACDEY MAGAALADA WAAJID EE GOBOLKA BAKOOL, 06/01/2018 Dhageyso:- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 19/03/2022 Dowladda oo ka shirtay saameynta dalka ee COVID-19 22/05/2020 Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay dowladda federalka in ay cadaadiska milatari ka dulqaado Jubbaland 07/12/2020 Xildhibaanada Labada Gole oo ka doodaya ansixinta wax ka badalka Dastuurka 12/02/2024 05/01/2022 Maamulka Koonfur Galbeed oo casho sharaf u sameeyay xulka Kubadda Cagta KGS 15/01/2021 Sawiro: Quruxda Sawiradii Isbucaan Oo Laga Soo Qaadey Degmada Xudur. 19/03/2020 QM oo dalbatay in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ay u qalmaan ee siyaasadda 08/03/2022 Akhriso:-Madaxweyne Farmaajo oo baaq ka soo saaray dagaalka Tukaraq 15/05/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.