Askarigii cadaanka ee magaalada Miniyaabulis horay ugu dilay ninka madow ee aanan hubaysneen ayaa markii ugu horeesay kasoo muuqday Maxkamad.
Derek Chauvin (Darek Koofin) ayaa wajahaya dacwada heerkeeda labaad iyadoona sidoo kale ay xiran yihiin sadaxdii askari ee lasocotay markuu dilku dhacayay.
Muuqaalka dilka George Floyd (Joorji Falood) oo lagu baahiyay Baraha Internet-ka ayaa dunida oo idil ka abuuray caro xoogan kadib markii uu soo muuqaday askariga oo lawgiisa qoorta kaga hayo George isagana uu leeyahay maneefsan karo.
Eedesanaha ayaa haatan maxkamadu waxa ay u sheegtay in haddii uu rabo in damaanad lagusii daayo uu bixiyo lacag gaareeso hal milyan oo bawn oo u dhiganta $1.25 milyan oo doolar