Kadib dagaalo xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degaano katirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale xalay ilaa saaka dhacay duqeymo xoogan oo lala bartilmaameedsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Wararka aan helnay ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo la beegsaday dhul Beereed ay isku aruursaneyeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo kuyaalla agagaarka degaanka Inji oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale diyaaradaha dagaalka ayaa waxaa ay duqeyn la beegsadeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaanka Afcad oo u dhaxeeya Degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay kula dagaalmayeen Ciidamada dowladda iyo kuwa di u xoreynta gobolka Hiiraan.
Sarakiil katirsan Ciidamada xooga dalka ayaa Risaala u sheegay in duqeynta lagu dilay dagaalyahano aad u faraadan oo katirsan Al-Shabaab, kuwaas oo doonayay inay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada Ciidamada, isla maraana degaannada ay la wareegeen.
Wuxuu sheegay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada iyo degmooyinka Gobolka Hiiraan, halkaas oo dhowr jeer ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Al-Shabaab .