Trump oo markale maxkamad la soo taagay written by Warsan Radio 04/08/2023 Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xiriiray, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday.Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaas oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto ‘isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo’.Trump ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka.Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka. Trump oo markale maxkamad la soo taagay was last modified: August 4th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga next post Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay inay ka qeyb qadan doonaan wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah AS You may also like Daalibaan oo la wareegay magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan ee Kandahar 13/08/2021 RW Xamse oo ugu baaqay dadka in aysan dhayalsan Digniinaha Roobabka 07/10/2023 Natiijada ay kala heleen Musharraxiinta Wareegga koowaad iyo Musharraxiinta gudbay 28/04/2022 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/12/2019 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dooxa 13/12/2019 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 14/12/2020 Wasiir Maareeye “Axsaabta mucaaradka ah ee dalka ayaa qeyb ka noqon doona shirka Dhuusamareeb ka dhici doona 25/07/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Barakacayaal ganacsi ka dhex bilaabay xeryaha dadka soo barakacay 04/07/2017 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo ka waddo magaalada Garowe 27/08/2022 Dhageeyso:-Barnaamijka Tartan Qooneedka Wareegii 3 xaad Ayaa si toos ah usocda Su aalaha waxaa soodiyaariyay Jamacada BIU 23/06/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.