Sumayo Daahir is a young woman who raises awareness among women on how to support themselves when facing mental health challenges. Sumayo Daahir waa gabar wacyigelisa haweenka si ay u bartaan sida ay naftooda u taageeri karaan marka ay wajahayaan xaalado caafimaadka maskaxda.#mentalhealthawarenessΒ #womenempowerment
2026
βIn Dhusamareb and Guriceel, 73 girls have received free university education provided by the Ministry of Education of Somalia. In total, this opportunity is intended for 300 girls across the regions of the country.β Dhusamareb iyo Guriceel, 73 gabdhood ayaa helay waxbarasho jaamacadeed oo bilaash ah oo ay bixisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Guud ahaan, fursaddan waxaa loogu talagalay 300 gabdhood oo gobollada dalka ku kala sugan.#GirlsEducation#WomenEmpowerment
Shilling-ka Soomaaliga Oo La Soo Celiyay β Suuqyadii Oo Dib U Furmay Kadib Hakad Dhowr Maalmood Ah
Lacagta Shilling-ka Soomaaliga ayaa dib loogu soo celiyey suuqyada ka dib maalmo la hakiyeey isticmaalkiisa. The Somali Shilling has been reintroduced to the markets after its use was suspended for several days.#ShilinSoomaaliΒ orΒ #DibLoosooCeliyay
Galmudug oo Bilowday Dagaal ka dhan ah Gudniinka Fircooniga ah β Wacyigelin Degdeg ah
Wasaaradda Haweenka Galmudug ayaa bilowday wacyigelin ku saabsan joojinta gudniinka fircooniga ah, si loo dhaqan geliyo sharciga gudniinka ka dhanka ah ee la ansixiyay. The Ministry of Women of Galmudug has launched an awareness campaign on stopping pharaonic circumcision (Female Genital Mutilation β FGM), to implement the anti-FGM law that was approved.
Muqdisho City Club Ayaa Ku Guuleysatay Horyaalka Gabdhaha ee Kubadda Cagta Soomaaliya!
Waxaan soo dhammaaday Horyaalka Gabdhaha ee Kubadda Cagta, waxaana ku guuleysatay kooxda Muqdisho City Club. The Womenβs Football League has come to an end, with Muqdisho City Club winning the title.#MuqdishoCityClubΒ #WomensFootballΒ #WomensSoccer

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixisay howlgallo culus oo ay saacadihii la soo dhaafay Kumaandooska Danab oo kaashaneysa kuwa Jubbaland ka wadeen deegaanno ka tirsan gobollada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.
Howlgalladan ayaa si gaar ah uga socda deegaanno hoostaga degmooyinka Jilib, Xagar iyo Afmadow, iyagoo ciidamada gaareen deegaannada Waraha Qalley, Farshabeel, Jigees, Qaawiley iyo Weelmaarow.
Intii ay socdeen howlgaladan dhulka ah, waxaa barbar socday duqeymo dhanka cirka ah oo ay taageerayeen saaxiibbada caalamka, iyadoo lagu dilay 27 xubnood oo ka tirsan AS, sida ay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay ka mid yihiin qoryaha BKM, RPG iyo AK-47, iyo miinooyin ay wateen xubnaha AS.
Maalmihii la soo dhaafay Militeriga Soomaaliya ayaa howlgallo ka wada deegaanno ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Bulshada Soomaaliya ayaa sanadkaan korortay iyada oo kor u dhaaftay halkii sanado kahor ay joogtay marka la eego barta lagu kaydiyo Bulshooyinka kala duwan caalamka tirada lagu sheegayo iyo sida ay kordhaan.
3.31% ayay Soomaalidu kordheen sanadkaan 2026 waxaana ay soo galeen Booska 3aad ee dalalka kororka sameeyay sida hadalka loo dhigay, xisaabtaan waxa ay ku timid in Soomaaliya ay Dadkeedu noqdeen 20.3 Milyan oo horay tiradaan uga yaraayeen.
Soomaaliya waxa ay qiimayntaan ka sare martay Dalal kala duwan oo dhaqaale iyo Siyaasad ahaan horay uga hormaray, waxa ay haatan fadhigaas guud ahaan caalamka dalalka ugu Dadka badan Booska 66aad.
Dhanka kale, Dalka Hindiya ayaa ugu bulsho batay waxaana dadkiisa uu gaaray 1,476 Bilyan, waxa uu ka sare maray Waddanka Booska labaad u dhacay ee Shiinaha oo isna dadkiisu gaarayo 1,412 sida Warbixinta lagu muujiyay.
Maraakiibta Dagaalka Turkiga ee Jooga Xeebaha Dalka oo lagu xiray Calanka Soomaaliya

Maraakiibta Dagaalka Turkiga ee lagu magacaabo TCG Gaziantep iyo TCG YΓΌzbaΕΔ± GΓΌngΓΆr DurmuΕ ee ku sugan Xeebaha Dalka ayaa xirtay Calanka Soomaaliya kaddib markii Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda XFS ay soosaartay amarkaas.
Sawirro laga soo qaaday Dhoollatus ay samaynayeen Ciidamada Badda Turkiga waxaa kasoo muuqday Maraakiibtaas oo is dhinac lulanaya Calanka Dalkooda iyo kan Soomaaliya, waxa ay tani ka tarjumaysaa in Ankara ay u hoggaansantay amarkaas.
Turkiga waxaa Biyaha Soomaaliya ka jooga Maraakiib Dagaal iyo kuwa qodaya shidaalka Dalka, waxaa intaas dheer in ay fulinayaan heshiiska Muqdisho & Ankara ee adkaynta amniga Badda oo kol hore ay wadagaleen labada Xukuumad.
Maraakiib kala duwan ayaa horay ugu hoggaansamay xirashada Calanka Soomaaliya marka ay soo galaan biyaha Dalka, Turkiga ayaa ku biiraya Liiska waddamadaas isaga oo ah saaxiib dhinacyo kala duwan ka taageera Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa ballaarisay Saldhigyada dibadda ay ku leedahay iyada oo noqotay Awoodda labaad ee Caalamka marka la eego tirada Xarumaha Militari ee ku yaalla Meelo kala duwan sida lagu muujiyay xog uruurin arrintaas laga sameeyay.
Maraykanka oo keliya ayaa ka badan, waxaana uu saldhigyo waa wayn ku leeyahay Qaaradda Afrika sida Soomaaliya, Liibiya iyo Jamhuuriyadda Jaad, halka uu cilaaqaad wanaagsan uu la leeyahay Dalal badan oo Gobolka dhaca.
Turkiga ayaa loolan adag la galay Dalalka Faransiiska, Ruushka iyo Kuwa Khaliijka Carabta isaga oo awooddiisa Militari ku lifaaqay Dhaqaalaha iyo Siyaasadda waddamada uu xiriirka la leeyahay oo uu wanaajiyay sida hadalka loo dhigay.
Ankara ayaa iskaashi xooggan la samaysay Dalalka Soomaaliya, Liibiya, Jaad, Suuriya, Ciraaq iyo kuwo kale oo dhaca Bariga Dhexe iyo Afrika si loo kordhiyo cilaaqaadka kala dhaxeeya una hesho saldhig Militari maadaama ay dalalkaas yihiin kuwo istaraatiiji ah xiligaan.









