Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay written by Warsan Radio 01/06/2022 Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Xarunta Madaxtooyada ay xalay kulan gaar ah ku yeesheen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, kaas oo ay kaga hadleen waxyaabihii keenay khilaafkii dhexmaray.Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in in labada mas’uul ay kulankooda uu ahaa mid lagu dhammaystiray xallinta khilaafkii u dhexeeyay muddooyinkii dambe ayna ka Shaqeeyeen Isimada iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Puntland.Illo ku dhow dhow kulanka ayaa xaqiijiyay in la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa, kaas oo salka ku haayay arrimo la xiriira awooda dhinaca Maamulka ah, isla markaana ay ku balameen in la dardar geliyo hawlaha Maamulka oo gaabis xoogan ka jiro.Khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni & kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa horay looga dareemay degaannada Puntland, waxaana uu saameyn ku yeeshay howlaha Shaqo ee Hay’adaha kala duwan ee Maamulka Puntland. Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo kulan gaar ah ka yeeshay khilaafkii u dhaxeeyay was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Mareykanka oo $1 milyan duldhigay madaxa nin Soomaali Kenyan ah next post Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho You may also like Dhageyso:- Warka duhur ee Idaacada Warsan 22/04/2022 Dhageyso:-Shir Jaraaid ay Qabteen Malaaqyada iyo Culmaa udiinka Beydhabo, 18/08/2017 Dhageyso:- Xaafada Dooynuunay B oo Caawa kawada Badisey Isha B iyo Horseed B 19/05/2020 Muwaadin Soomaaliyeed oo toorey lagu dilay dalka Koonfur Afrika 07/08/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan 22/03/2022 Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukun ku riday Saddex Askari 04/07/2020 Akhriso+Sawiro:-Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre Iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Marka 14/09/2019 Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo gaaray magaalada Hargeysa 25/10/2020 Wasiirka Gaadiidka Koonfur Galbeed soomaaliya oo Xildhibaan loo doortay 26/01/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 02/04/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.