Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran written by Warsan Radio 28/07/2022 Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dalka Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu la hadli doono dhiggiisa dalka Ruushka Sergey Lavrov maalmaha soo socda isaga oo u gudbin doona dalab “wax ku ool ah” oo looga gol leeyahay in lagu soo daayo xiddiga kubbadda koleyga ee Mareykanka ee Brittney Griner iyo Paul Whelan oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda ee Mareykanka, kuwaas oo haatan ku xiran dalka Ruushka.Arrimaha kale ee la filayo inay ka wada hadlaan Blinken iyo Lavrov waxaa ka mid ah, hirgelinta heshiiska dib loogu soo celinayo sareenka laga dhoofiyo dekedaha Badda Madow ee dalka Ukraine iyo weliba xiisadda ka taagan dalkaasi.Labadan Wasiir ayaan wada hadlin muddo ku siman 5 bilood, waxaana wadahadalkoodii ugu dambeeyey ee ay si toosa u wada hadlaan uu ahaa 15-kii bishii February ee sannadkan, maalmo ka hor uun duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.Shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii, ayuu xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanku ku sheegay in Washington ay xiriir la samaysay dalka Ruushka iyada oo u soo bandhigtay dalab “wax ku ool ah” si loo sii daayo labada muwaadin ee u dhashay dalka Maraykanka ee haatan gacanta ugu jira dawladda Ruushka, hase ahaatee Xoghaye Blinken wuxuu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo nooca dalabka ay u bandhigeen dalka Ruushka.Ginger oo tagtay dalka Ruushka bishii February ee sannadkan ayaa xabsiga la dhigay, iyada oo la sheegay in laga helay shandadeeda, caagado ay ku jiraan, saliid laga sameeyey xashiishadda.Sidoo kale Whelan oo ah madaxa fulinta amniga ee shirkad ku taalla gobolka Michigan ayaa isna loo haystaa eedo la xidhiidha basaasnimo, inkasta oo qoyskiisu ay sheegeen in eeddaasi ay tahay been abuur. Whelan ayaa lagu hayaa dalka Ruushka tan iyo sannadkii 2018. Mareykanka oo Ruushka kala hadlaya dad u xiran was last modified: July 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Dowladda Itoobiya oo markii ugu horraysay war kasoo saartay weerarka Al-Shabaab You may also like Jubbaland oo ku dhawaaqday wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab 10/02/2023 Magaalada Xudur oo maanta laga dukaday Salaad roob doon ah. 17/05/2021 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/01/2021 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamka 10/05/2022 Turkiga oo gaadiidka gaashaaman ka iibinaya Kenya 05/06/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 24/09/2019 Xeer ilaalinta Somaliland oo codsatay in xabsiga lagusii hayo wariye Bushaaro Baande 15/06/2023 Dowladda Somalia oo Wakiilka QM kala hadashay u diyaargarowga doorashooyinka Soomaaliya 11/01/2021 Dhageyso:-Madaxweynaha kgs cabdicasiis xasan maxamed laftigareen oo sheegay in goordhow ay furidoonaan wadooyinka xayiran ee isku xira muqdisho iyo baydhabo. 24/11/2019 Kenya oo qabatay rag ku eedeysan Al-Shabaabnimo oo dhawaan ka baxsaday 18/11/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.