
Lataliyaha dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay inuusan waxba iska badalin mowqifka dowladda ee ku aadan dagaalkanka dhanka ah Al-shabaab.
Lataliyaha oo la hadlayay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in qorshahooda aysan kujirin inay wada-hadal la galaan Al-Shabaab, hayeeshee shaqasiyaadka doonaya inay kasoo baxaan Al-Shabaab la marsiin doono nidaam u degan dowladda.
“Dowladda waxaa ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab, mana jirto wax wada xaajood ah oo aan kula jirno, waxaana la marin doona qofki shabaab ah ee isa soo dhiiba nidaam hufan si ay xaq ugu yeeshaan cafiska rasmiga ah ee dowladda” ayuu yiri Lataliyaha amniga qaranka Xuseen Macalin Maxamuud.
Hadalka kasoo yeeray dhanka amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin Maxamuud ayaa kusoo aadaya xilli shalay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga uu sheegay inay wada-hadal soo codsadeen Al-Shabaab, balse dhankooda ay warkaasi beeniyeen.
