Trump oo markale maxkamad la soo taagay written by Warsan Radio 04/08/2023 Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka soo muuqday maxkamad ku taalla caasimadda Maraykanka ee Washington si wax looga weydiiyo eedo loo soo jeediyey oo la xiriiray, inuu isku dayay inuu hor istaago natiijadii doorashadii madaxtinimada ee sannadkii 2020, ka dib markii lagaga adkaaday.Donald Trump ayaan wax dembiya qiranin, oo ku aaddan eedaha loosoo jeediyey, kuwaas oo ahaa eedihii ugu horreeyey ee heer federaal ah oo lagu soo oogo, iyada oo loo haysto ‘isku day fashilmay oo la doonayey in lagu hor istaago in xukunka si nabad ah loo kala wareejiyo’.Trump ayaa ka soo hor muuqday maxkamad heer federaal ah oo ku taalla Washington DC, laba maalmood uun ka dib markii afar eedood oo cusub uu ku soo oogay Jack Smith oo ah Garyaqaanka Gaarka ah ee Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka.Trump ayaa lagu eedeeyey inuu isku dayey, inuu leexiyo rabitaanka codbixiyayaasha si uu uga hortago guusha xisbiga dimoqraadiga gaar ahaan Joe Biden, iyada oo bishii January 6-deedii ee sannadkii 2021 ay xoog gudaha ugu galeen golaha baarlamaanka ee Maraykanka, taageerayaal cadhaysani, iyaga oo isku dhacay laamaha ammaanka. Trump oo markale maxkamad la soo taagay was last modified: August 4th, 2023 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay wafdi ka socda Boqortooyada Sacuudiga next post Taliska Ciidanka DANAB oo sheegay inay ka qeyb qadan doonaan wajiga 2aad ee dagaalka ka dhanka ah AS You may also like Militariga Suudaan oo dib u soo celinaya Ra’isul Wasaarihii xilka laga tuuray 21/11/2021 DHAGEYSO: MALAAQ KASKEY OO U KACAY SIIDEYNTA DHALIN YARADA KGS EE KU XIRAN XABSIYADA PUNTLAND . 23/07/2018 Boris Johnson oo ka hortagaya qorshaha ay Scotland ugu baxaysa Uk 10/05/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/12/2020 Dowladda Kenya oo Safiirka cusub u soo magacaabatay Soomaaliya 17/08/2022 Guddiga Gurmadka Fatahaadda Baladweyne: Dowladdu Waxaan Jawaanno Ciid ahayn kama heeyno 08/05/2020 Afganistaan: dagaalka u dhexeeya ciidamada iyo Taalibaan oo sii xoogeystay 02/08/2021 Dowladda Kenya oo sheegtay iney tarxiili doonto Soomaalida ku nool dalkeeda 27/03/2021 Ciidamada dowladda oo Maanta howlgal kula wareegay degaanka Cadcadeey 17/11/2022 Madaxweyne Geelle oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 23/12/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.