
Howlgallo kala duwan ayay duleedka degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka wadaan Ciidamada Booliska degmadaas, iyaga oo ku raad jooga maleeshiyaad hubeysan oo xalay dilal kala duwan ka geystay duleedka degmadaasi Cabudwaaq.
Dilalka oo lala xiriirinayo aanooyin wabiil ayaa dilka Koowaad waxa uu ka dhacay degaanka Dalsan ee duleedka Bari ee Cabudwaaq, waxaana loo geystay Nin Xoolo dhaqato ahaa, kaas oo lagu Magacaabi jiray Gureey Cabdi Inkir.
Dil labaad ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka Galbeed magalada Cabudwaaq gaar ahaan deegaanka ina Gibile halkaas lagu dilay hal nin halka lagu dhaawacay nin kale, waxaana Goobta ka baxsaday maleeshiyaadkii dilalka geystay.
Ku simaha taliyaha ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska degmada Cabudwaaq Liibaan Cabdi Cusmaan Fantastic ayaa sheegay in ay Ciidanka qaybahooda kala duwan wadaan howalgal lagu soo qabanayo kooxihii dilalka geestay si cadaaladda loo horkeeno.
Sanadihii ugu dambeeyay degaannada Galmudug ayaa waxaa kusoo kordhay dilalka la xiriira aanooyinka qabiil, iyada oo Madaxda iyo laamaha Amniga Galmudug ay wax ka qaban waayeen.